Shabaab Oo Dagaal Xoogan Ku galay Degmada Qoryooley

Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab ayaa dagaal xoogan ku qaaday Degmada Qoryoole ee Gobolka shabeelada hoose halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom.

Dagaalka ayaa dhacay aroornimadii saaka waxaana shabaabka ay beegsadeen Saldhiga degmada xilli Ciidankii ku sugnaa ay jiifeen oo qabar daar ay ka ahaayeen weerarka iyo gulufka colaadeed.

Weerarka ayaa qaatay in ka badan hal saac waxaana soo gurmaday oo degmada gudaha usoo galay Ciidamo amisom oo lugeenaya kuwaas oo kusoo biiray dagaalka.

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa la wareegay Saldhiga ka hor inta ay soo gaarin Ciidanka amisom oo fariisin ku leh meel aan sidaa oga fogeyn Degmada islamarkaana ku yaala Wabiga Jiingiisa.

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan khasaaraha halkaasi ka dhashay oo dadka qaarkiis ay kusoo waramayaan in uu jiro khasaare xoogan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Markanews u xaqiijiyey in hal askari Shabaabku ay ku dhex bireeyeen Saldhiga gudahiisa islamarkaana xabsiga ya kasii daayeen maxaabiis ku jirtay, waxay kalaoo ila wareedyada inoo sheegeen in gaari nooca yar yar ah laagu gubay isla saldhiga gudahiisa.

Saacad iyo wax ka badan ka dib ayaa dagaalyahaanada Shabaab ee saake kusoo jarmaaday Qoryooley ay isaga tageen ka dib markii dagaalku ay kusoo biireen Amisom oo lugeeneysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE