ALshabaab Oo Soo Saaray War ay ku sheegayaan Inay Gacanta Ku hayaan Maxaabiis u dhashay Wadanka Uganda

Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay war ku xaqiijineyso inay gacanta ku heyso Maxaabiis lagu qabtay dagaalkii ka dhacay Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska dhaq dhaqaaqa shabaab islamrkaana uu ku saxiixanyahay Afahayeenka howlgalada al Shabaab Sheekh C/casiis abuu Muscab ayaa lagu shaaciyey in maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Uganda oo loo yaqaan UPDF ay ku jiraan xabsiyada Shabaab.

Warkan qoraalka ah laguma soo sheegin tiara Ciidamada Uganda ee lagu qabtay Dagaalkii Janaale ka dhacay todobaadkii hore iyo halka lagu haayo.

Amisom ayaa beenisay in dagaalkii janaale uu kasoo gaaray khasaare xoogan islamarkaana looga qafaashay maxaabiis dagaalka lagu qabtay.

Taliska Uganda mar uu ka hadlayey dagaalkii janaale waxa uu sheegay in looga dilay 12 askari mana sheegin askar kaga dhaawacantay weerarkaasi.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE