Beesha Biimaal Oo Maalintii 2-aad Shir Dhaqameed Ku Leh Magaalada Marka

Waxaa maalintii labaad ka soconaayo magaalada Markacadey kulan dhaqameedkii beelaha Biimaal iyo Adeerkood oo diiradda lagu saarayo soo xulis odeyaal dhaqameedyo cusub oo bedeli doono odeyaal dhaqameedyada beesha ee hadda shaqeeyo.

Nabaddoono caan ah oo shaley ka hadlay furitaanka shir dhaqameedkan ayaa si kulul u weeraray siyaasadda Suldaanka beesha Biimaal Ibraahim Cali Xaaji, waxayna ku eedeeyeen inuu ku takri falay jagada dhaqanka beesha isla markaasina uu bohol ku ridday masiirka shacabka beesha Biimaal.

Nabaddoonada ku shirsan magaalada Marka ayaa sheegay inay ku howlan yihiin soo xulista iyo raadinta suldaan cusub oo bedelayo midka hadda shaqeeyo, waxayna sheegeen in Suldaanka cusub laga soo xulaayo jufada dhaqan ahaan u leh jagada Suldaanimada beesha Biimaal.

Lama garanaayo in isbedelkan lagu sameynaayo Duub-dhaqameedyda beesha Biimaal uu saameyn ku yeelanaayo shakhsiyaadka kale ee beesha Biimaal ugu magacaaban jago dhaqameed sida Ugaas-ka iyo Faqi-ga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE