Beesha Biimaal Oo Maanta Dooratay Suldaanka Guud Ee Beesha

Wadatashi Maalintii shalay ka bilowday Magaalada Marka kaas oo ay yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Beesha Biimaal oo ka tashanayey aayaha Beesha oo mudo seddax sano iyo in ka badan ku jirta dagaalo ayaa maalintii labaad galay.

Shirii shalay ayaa lagu go’aamiyey in ay Beesha Biimaal yeelato Suldaan loo wada dhanyahay isla markaana ku yimaada rabitaanka dadka beeshan kasoo jeeda iyadoo loo marayo sida sharcigu yahay oo waqtiyadii hore ee la dooran jiray Duubab dhaqanka ah sida loo maro.

Shirkii Maanta ayaa lagu soo bandhigay Suldaanka Guud ee Beesha Biimaal oo loo wada arkay in uu noqon karo shakhsi la gurfeeyey noociisa iyo sifaha uu u lahaan karo hadii loo doortoo xilkaasi culus in kabadan afar sano ay uu ku qaraabanayey shakhsi aanay cidi dooran islamarkaana isga is magacaabay.

Shakhsiga la doortay ayaa loo arkay shakhsi badbaadin kara Beesha Biimaal maadaama xilkaasi wax badan lagu soo qaraabtay.

Suldaan Ibraahin C/hi Cadow oo si weyn looga garanayo guud ahaan Deegaanada Beesha Biimaal Shabeelada hoose ilaa Jubooyinka ayaa noqday Suldaanka cusub.

Shirkii maanta ayaa waxa goob joog ahaa wakiilo uu soo dirsaday Suldaan Axmed Maxamed Cali Bolol oo horey u ahaa Suldaan shaqadiisa gabay ka dib markii ay lasoo derseen xanuuno iyo culeysyo isga u gaar ah ayaa halkaasi ka sheegay inay soo dhaweenayaan cid kasta oo Beesha Biimaal ay u garato inuu hogaamin karo Beesha.

Waxgaradkii kasoo qeyb galay Kulankii Maanta lagu doortay Suldaan Ibraahin C/hi Cadow ayaa ugu baaqay inuu xooga saaro samatabixinta Deegaanka oo ay ku habsatay dhibaato ay horseedeen shakhsiyaad ismagacaabay.

Suldaanka cusub ayaa hada ku magan dalka dibadiisa waxaana lagu wadaa inuu dhawaan soo gaaro Shabeelada Hoose gaar ahaan Nambar 50 halkaas oo ay ka dhici doonto xaflada caleema saarka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE