Ciidamada Amisom Oo Maanta qarax Lagula Eegtay Deegaanka Keli Caafimaad

Kolonyo ka tirsan Ciidamada amisom ayaa maanta qarax Miino waxaa lagula eegtay Deegaanka Keli Caafimaad oo u dhaxeeya Deegaanada Ceelwareegow iyo  Nambar 60 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana uu haleelay gaari taaw ah siday kusoo waramayaan dad xoolo raacanayey oo ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhcay.

Ciidamada amisom ayaa markii qaraxaasi uu dhacay ka dib xiray isu socodka gaadiidka, iyagoo celinayey dhamaan gaaidiidka isku kala gooshaya Wadada dheer ee laamiga.

Saacada markii ay aheyd shntii galabnimo ayaa amisom ay baneysay wadada ka dib markii ay jiiteen gaariaga uu qaraxa waxyeeleeyey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE