Deg Deg Maleeshiyadii Ku haray Buulo oo Intooda Badan Caawa Iska Soo dhiibay Deegaanka Gandaawi Ee Duleedka Marka

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in Maleeshiyo ka tirsan Kuwa Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici ee manta ku haray Buulo mareer ay goor dhow iska soo dhiibeen Deegaanka Gandaawi oo ay ku suganyihiin Ciidamada Deegaanka.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in maleeshiyadan gaari caasi ah ay kasoo raaceen Buulo mareer gelinkii dambe ee Maanta waxaana xiriir ay lasoo sameeyeen Saraakiisha Difaaca hore ee Ciidamada.

Ilaa 6wiil oo dhalanyara ah ayey inoo xaqiijiyeyy Saraakiisha Cidamada Deegaanka oo hada iska soo dhibaay Gandaawi, waxay soo codsadeen in laga sii gudbiyo halka ay ku egtahay gacan ku heynta Ciidanka deegaanka.

Waxaan idin soo gudbin doonaan Magacyadooda iyo wareysiyo aan la yeelan doono Maleeshiyada kasoo haajirey ku hoos noolaanshaha Kaaba mooryaan Xasan Jaamici oo caawa dhex muquuranaya fashilkii ugu xumaa ee soo wajaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE