Dhageyso Cabdulqadir Siidii oo sagaal sano kadib fahmay in maleeshiyo ka timid Dhuusa-mareeb iyo Cadaado nabad ka dhalin karin Sh.Hoose,ciidamada Deegaankana…

Gudoomiyaha gobolka Sh.Hoose Cabdulqaadir Siidi oo horay u difaaci jiray mleeshiyada dowladda ee loogu yeero ciidamada xooga dalka ayaa hadda sheegay in askari ka yimid Guriceel iyo Dhuusamreeb aysan wax ka qaban karin ammaanka Sh.Hoose..

Siidi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada deegaanka ay yihiin kuwa kaliya ee wax ka qaban kara ammaan xumida ka jirta degmooyinka gobolka.

Gudoomiye Siidi ayaa arintaas u soo daliishaday in maleeshiyada dowladda ay ku fashilmeen weerar ka dhacay Qoryooley, ciidamada deegankana ay wax ka qabteen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE