Dhegeyso Nabadoon Xasan Barre “Dowlada Waxba Nooma Reeban, Soomaalidana Uma Sinna”

Nabadoon Xasan Bare oo ka mid ah duqeyda dhaqanka ee Beesha Biimaal ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowlada Fedaraalka soomaaliya iyo Maamulka koonfur galbeed ee uu hugaamiyo Shariif Xasan.

Odey Xasan Bare ayaa sheegay in dowlada fedaraalka Soomaaliya ay waxba u reeban Shacabka beesha Biimaal maadama ay garab soo siisay Beel duulaan kusoo qaaday deegaanka.

“Dowlada Fedaraalka waa naga eexatay waxay nooga eexatay Beeshaas oo habar gidir ah hal maalin dowlada oo ka hadleesa ma arkin, Xasan sheekh Maxamuud isagaa Diyaarad u qaatay gobolada dhexe oo dagaal ka dhacay wax kasoo xaliyey, dhaawaca soo qaaday, Meydadka isagaa wax kasoo duugay” ayuu yiri Nabadoon Xasan Bare.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu yahay mas’uul aan u danqan shacabka uu Madaxweynaha u yahay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Beesha Biimaal in ay u dagaalamaan sidii ay u ilaashan lahaayeen nasabnimadooda iyo cirdigooda.

Dhgeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE