Faahfaahin Laga Helaayo Dagaal Saakey Ka Qarxay Degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal culus oo saakey ka qarxay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kaasi oo u dhaxeeya ciidamo taabacsan Kooxda Ahlu Sunna iyo Ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug ee fadhigiisa xiligan uu yhaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ugu yaraan labo ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen dagaalka, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad gaaraayo 16 ruux oo u badan ciidamada dagaalamaya iyo dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamayo.

Ciidamadii dagaalamay ayaa ilaa hadda la sheegayaa in si goos goos ah isku weydaarsanayaan rasaas gudaha Magaalada Caabudwaaq , waxaa la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Degmada Caabudwaaq ayaa hadda u kala qaybsan labo dhinac oo ay kala joogaan wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug iyo Kooxda Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa ku bilowday markii Kooxda Ahlu sunna ay weerar culus ku ekeeyeen wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo ku sugnaa guri uu ka degan yahay magaalada Caabudwaaq.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE