Fanaan Caan Ku Ah Heesaha Sida Waalan Loo Qaado(Hip Hop-ka) Oo Sanadkan Xajinayo (Sawiro)

Fanaanka ku caanbaxay heesaha qaabka waalan loo qaado (Hip Hop-ka iyo Rap-ka) Keynaan Cabdi Warsame ayaa sanadkan ka mid noqday malaayiin Muslimiin ah oo sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka.

Keynaan Cabdi Warsame ayaa soo daabacay sawirradiisa iyo kuwa hooyadiis iyagoo ku sugan dhulka barakeysan ee Makka iyo Madiina ee dalka Sacuudiga.

Isagoo ku sugan magaalada Madiina ayuu sida yiri Keynaan “Waxaan hor-taagnahay Masjidka Al-Nabawi, iyadoo ay iga gadaaleeyaan gurigii Nebiga iyo qabrigiisa, Madiina waa meel taariikhi ah, mid ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda badan adduunka. Waxaan halkan ku joognaa aniga, hooyadey iyo walaashey – riyadii caruurnimadeydii waa ay ii hirgasha ….”

Keynaan Cabdi Warsame oo haysto dhalashada dalka Kanada (Canada) ayaa si wayn u soo caan baxay markii uu qaaday heestii ‘Waving Flag’, oo loo doortay heesta koobkii kubbadda cagta adduunka ee 2010 laguna qabtay Koonfur Afrika.

Keynaan ayaa sawiradan hoose asxaabtiisa kula wadaagay baraha bulshada.

k2 k1 k3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE