Maleeshiyada Xasan Jaamici Oo Maanta Isaga huleeley Deegaanka Buulo mareer Ee Gobolka shabeelada hoose iyo Wawarkii ugu dambeeyey

Maleeshiyada uu hugaamiyo kaaba mooryaan Xasan Jaamici ayaa isga huleelay Deegaanka Buulo mareer oo in ka badan hal sano ay ku sugnaayeen.

Maleeshiyadan oo wata afar gaari oo laba ka mid ah ay yihiin gaadiidka Soomaalida u taqaan Cabdi bile iyo laba gaari oo homey ah ama Caasi ah ayaa barqanimadii soo gaaray deegaanka Shalambood.

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan qaabka ay uga baxeen Buulo mareer oo intii ay ku sugnaayeen ay geysteen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira Dil, dhac, kufsi iyo barkicin ay ku sameenayeen dadka deegaanka.

Wararka qaar waxay tilmaamayaan in ay jirto cabsi kasoo wajahday xaga dagaalyahaanada shabaab ka dib markii Ciidamo madani ah maalintii shalay aheyd lagu weeraray Degmada Qoryoole halkaas oo si weyn loogu dhibaateeyey.

Tiro maleeshiya ah oo lagu sheegay ilaa hal Unug oo u dhiganta 11 Maleeshiyo ayaa ku haray Buulo oo istaaf ama baakoor u ah Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici oo inuu ka tago Buulo u arkay inay ka dhigantahay fashil nafsiyadeed oo isaga soo wajaha.

Sidoo kale waxaa jira warar ka duwan warka ku saabsan baqdin oo weli aan ku raad joogno sidii aan usoo xaqiijin laheyn.

Maleeshiyada isaga baxay Buulo ayaa Shalambood ka raacay ilaa 8 gaari oo dabaabaadka Amisom ah xilli ay isku aamini waayeen wadada dheer oo ay gacanta ku haayaan Ciidamada deegaanka oo horey abaal aynaan u ergan.

Maleeshiyadan ayaa Gabalka ugu dhacay Xerada Amisom ee Km 60 halkaas oo ay ku leexdeen dabaabaadkii amisom ee shalambood ay kasii raaceen, waxaana hada jira sida wararka ay nagu soo gaarayaan xiriir toos ah oo ay la yeesheen taliska deegaanka oo ay weydiisteen in la dhaafiyo inta ku jirta gacanta Ciidamad deegaanka waxaana laga yaabaa siday sheegayaan qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka deegaanka in la gudbin doono degaanka Muuri marba haday yihiin Cadow jabay.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa sababta dhabta ah ee ka dambeysa inay baxaan Maleeshiyadan iyo halka qorshohoodu ku wajahanyahay iyo weliba Kaaba Mooryaanka hugaaminaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE