Suldaan Ibraahin waa Immisa Tirada Xillibaanada Ee uu kala Yimid Baydhaba

Markanews ayaa daba gal dheeraad ah waxa ay ku sameysay tirada xillibaanada Baarlamaanka ee Maamulka koofur galbeed kasoo gaartay Mudanayaasha baarlamaanka oo lagu wado in lasoo dhameystiro dhismahooda ilaa ugu dambeyn 20ka bishan.

Horey ayaa loo soo gudbiyey tirooyin kala duwan oo iskhilaafsan oo loo sheegay qaar ka mid ah waxgaradka Beesha Biimaal hase ahaatee dadka qaarkiis ayaa dareemayey in ay jiraan tirooyin la qarinayey oo gacanta lagu haayo.

Shakhsiyaad badan oo xiriiro kala duwan aan la sameysay ayaa intooda badan ka gaabasanayey inay soo bandhigaan ogaalkooda ku aadan tirada xillibaan ee ay heleen.

Waxa jiray tuhumo ay qabaan dadka waxgalka ah oo aqbali waayey tirada ay soo bandhigeen Odyaasha ku gadaaman Suldaan Ibraahin oo uu ka mid yahay Nabadoon Awyare abshirow (gacma dheere).

Nabadoonada ayaa waxa gacanta loo geliyey ilaa 7 xubnood oo loo sheegay in laga doonayo inay soo gudbiyaan magacyadooda si ay uga mid noqdaan Baarlamaanka 105ta ah ee koonfur galbeed.

Odyaasha nabadoonada ah oo xoogaa yara saluugay tirada uu Suldaan Ibraahin siiyey ayaa loogu daray hal tiro oo tirada guuud ay ka dhigantahay 8 xubnood.

Hadaba waa Imisa tirada Xillibaanada ay gacanta kusoo dhigeen Kooxda Suldaan Ibraahin.

Dabaglka Markanews ayey kusoo ogaatay in Xillibaada ay gaarayaan ilaa 10 xubnood oo Beesha Biimaal laga soo siiyey saamiga koonfur galbeed.

Tobanka Xillibaan ayaa sagaal ka mid ah waxa ay ka heleen Gobolka shabeelada hoose halka hal tiro laga helay Gobolka Bakool, sidaana wadarta guud ay ku tahay toban xubnood.

Suldaan Ibraahin ayaa gacanta ku heysta laba xubnood oo markii hore uu ugu talagalay in uu ka dhigto Seddax Mudane hase ahaatee ay u ahaanweysay inuu tirooyinkaas sii heysto wuxuuna markii dambe dhiibay hal xubin in ay odayaasha ku darsadaan.

Seddaxda Tiro ee Suldaan Ibraahin uu soo magacabi doono ayaa lagu sheegay in ay noqon doonaa shakhsiyaad isaga  uu geysan doono Baarlamaanka dhexdiisa weliba Codad miisaan leh ku dhexyeelan doono Tobanla Mudae ee Biimaal si ay u diidaan ama ay u ogolaadaan rabitaanka Odayaasha Muqdisho maadaama aan lagu kalsoonaan karin xubnaha ay soo wadaan Nabadoonada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE