Waa Kuma Cabdi Xaaji Dabhaaye (Cabdi Faruur) oo hada ku jira Isbitaal ku yaala Muqdisho

Waqtiyada markuu dadka saacido waxay dadku ismoodaan kuwo aan iyaga marnaba qeyb ka noqon doonin kuwa ay ku dhaceyso naclada alle iyo in la aqbaalyo ducada ruuxa la dulmay.

Waxa jira qab qablayaal badan oo shabeelada hoose looga yaqaano xaaraan Ku naaxayaal waana magac shakhsiga lagu tilaamo aan u baahnreyn sifo iyo in la taxliiliyo shakhsiyadiisa.

Cabdi Xaaji Axmed Dabahaaye oo Shacabka reer Shabeelad hoose ay u yaqaanaan Cabdi Faruur waa nin da’aada 65 sano ilaa 70 sano jira, waxaa in muda ah uu ku noolaa Degmada Qoryoole waxaana uu ka mid ahaa dadkii Degmada Kuntuwaaarey ee koonfurta Qoryoole loo keenay Danwadaagaha.

Bur burka markuu dhacay ayuu usoo wareegay Degmada Qoryoole, waxaana xoog uu kula wareegay dhul beereed ku yaala Degmadaas iyo Kanaal lagu waraabin jiray dhul beereed baaxad weyn.

Waxa uu sheegan jiray Odey dhaqameed hasee ahaatee dadka sida weyn u garanaya ayaa Cabdi faruur ku tilmaama shakhsiyaadka sida ba’an u oomiyey dhul beerdka kanaalka uu ka xoogay.

Kanaalka uu xoogay ayaa lagu magacaabi jiray Kanaal Biimaal oo kasoo baxa Tuulada Jasiira wuxuuna Kanaalkani tagaa ilaa Waqooyiga Degmada Qoryooley, wuxuu ku fadhiyaa dhul beereed aad u weyn.

Dhul beereedka sida xooga uu ku heystay ayaa u dhaxeeya laba kanaal oo lagu kala magacaabo Keli Moobleyn iyo Keli Xorow dhulkaas ayaa lagu sheegaa in ka badan 1000,(Kun) hegtay oo dhul beereed ah.

Cabdi Faruur ayaa qaraabo ahaan aad ugu dhow Dambiile Yuusuf Indha cade oo beri xoog ku joogay Shabeelada hoose.

Mooryaankan ayaa hada ku jira Isbitaal Madiina ee Muqdisho, horaantii sanadkii aynu kasoo gudubn ayaa waxa ku dhacday Cudurka Macaanka ama sonkorta ka dib markii tuulo Degmada Qoryoole u jirta wax ka yar shan km uu ka dhacay Kacdoon uu hugaaminayey halyey Sheekh Saalax Xaaji Ibraahin oo mooryaankan uu u arkay mid wiiqaya awooda deegaankaas uu ku joogay iyo inay suuragal tahay in dib loogala wareego dhulka xooga uu ku heystay.

Mooryaan Cabdi Faruur ayaa dhawaan waxa laga jaray mid ka mid ah Lugahiisa ka dib markii lagu arkay kasoo bax.

Dhamaan dhagar qabayaasha shacabka ku dhibaateeya Shabeelada hoose ayaa sida horey loo arkay hadana u jirta waxay ku dambeeyaan nolol silac badan iyo kuwo uu alla ku cadaabo gacmaha Geesiyaasha kacdoonka deegaanka.

faruur

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE