Xildhibaano Gudbiyey Mooshin Ka Dhan Ah Gudoomiyaha G/Banaadir Xasan Muungaab

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad u soo badanayeyo Mooshino iska soo horjeedo oo xildhibanda Baarlamaanka ay ku foodeynayaan madaxda Villa Somalia.

Xidhibaan Cabdiraxman Suge Maxamed oo ka mid ah Saxiixayaasha Mooshin ka dhan ah Duqa Magaalada Muqdishu Muungaab ayaa sheegey  in 10 Xildhibaan ay Mooshinkan u gudbiyeen gudoonka Baarlamaanka si ay arimo dhul muran ka  taagan su’aalo uga weydiiyaan Duqa Magaalada Muqdishu Xasan Maxamed Muungaab.

Cabdiraxman Suge ayaa sheegay in ilaa 3 jeer isku dayeen in ay la kulmaan Mr. Muungaab balse aanay suuro-galin kadibna ay Mooshin isku keeneen sida uu qabo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka

Xildhibaanka ayaa ka digay in dhulalka la kala iibsano aanay shacabka ku degdegin iyo in loo baahanayahay in wax laga ogaado Hantida guud iyo Hantiga gaar ah.

Cabdiraxman Suge ayaa ugu dambeyn  sheegay in Mooshinka ay keeneen dhowr guddi oo isku tagtay sida Gaadiidka iyo Guddiga Ganacsiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE