Dagaalyahaanada Shabaab Oo Si Buuxda Ula Wareegay Gacan ku heynta Deegaanka Cambarey

Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Cambarey ee Duleedka Bari Degmada Kuntuwaarey.

Deegaanka Cambarey ayaa waxa fariisin ku lahaa Ciidamada amisom ee qeybta ka ah howlgalka Midowga afrika ee Soomaaliya.

Ciidamada Amisom ee ka guurey Cambarey ayaa u ruqaansaday Degmada Baraawe oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo kale.

Deegaankan ayaa Amisom waxay isaga baxday Gelinkii dambe ee shalay waxaana maanta lagu arkay Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab oo si buuxda maanta loogu dhex arkaayey xaafadaha iyo wadada dheer ee laamiga.

Ciidamada amisom ayaa maalmihii ugu dambeeyey luminayey dhul hor oo ay dib ula wareegayeen dagaalyahaanada shabaab.

Deegaanka Cambarey ayaa ku yaala wadada dheer ee xiriirisa Baraawe iyo Buulo mareer, waxaana laga xukumaa Degmada Kuntuwaarey oo dhawaan gacanta u gashay Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE