Dhageyso Shariif Xasan oo ku yiri Odayaasha Sh.Hoose: hadaan askari dowladda ahaan lahaa anigaba isbaaro ayaan u dhigan lahaa reer Sh.Hoose

Kulankii maanta ka dhacay degmada Afgooye ayaa odayaasha iyo waxgaradka Sh.Hoose waxa ay aad uga cawdeen dulmiga iyo tacadiyada maleeshiyada dowladda ee loogu yeero ciidamada xooga dalka ay ku hayaan dadka Sh.Hoose, oo ay ka mid yihiin isbaarooyinka, dhaca iyo kufsiga haweenka.

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo madasha kulanka ka hadlay ayaan ka damqan dhibaatada ku dhaceyso dadka Sh.Hoose,waxa uuna marmarsiiyo u sameeyay maleeshiya beeleedka dhibka ku haya dadka uu ka mas’uulka yahay, waxa uuna qiil uga dhigay in mushahar la’aanta heysata maleeshiyadaas ay sabab u tahay, waxa uuna ku yiri hadii aan ahaan lahaa askari dowladda anigaba sidiisa oo kale ayaan sameyn lahaa, been in leysku sheego ma fiicna.

Taas oo macnaheedu yahay in Shariif Xasan uu raali ka yahay tacadiyada loo geysanayo dadka Sh.Hoose,una qiil raadinayo mooriyaan garab og oo magacii dowladda soomaliyeed tacadiyo ku gelayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE