GUDIGA JOOGTADA EE QAWMIYADA DIR GAAR AHAAN BEESHA BIIMAAL EE UK OO SOO DHAWEEYEY IN SI BUUXDA LOOGA FEEJIGNAADO SHIRQOOLADA LAGASOO MALEEGAYO MUQDISHO ……..

Markii dagaalku kusocda Biimaal ee Df Soomaaliya Shaadrkeeda Beelaha isticmaalaya kusoo duuleen Shabeelada hoose beesha Biimaal waxa difaacaysay dhamaan shacabka k/galbeed gaar ahaan shabeelada hoose.

Dagaalkii markuu dhamaaday Shabeele State kuwii watayna laga guulaystay in magaca koonfurgalbeed lagu dulmo Biimaal oo xaqeenii wiilasheenii udhinteen dad kale qaataan mayeelayno dagaal baana kaxignaa taas madaxweynaha k/galbeedna waxaan uga digaynaa inuusan isku dayin marnaba inuu Xaqa beesha Biimaal duudsiyo.

Suldaan sheegankara in beeshiisa uu jeebka kushub oogay lacag ah oo gato xaqa beesha Biimaalna majiro waana kadagaalamaynaa dulmina horaan udiidnay.

Hogaanka guurtida beesha Biimaal ee Shabeelada hoose waa inay kataxadaraan khayaamooyinka loosoo maleegayo beesha laguna dhacayo xilibaanaday xaqa ulahaayeen Shaxdii xilibaanada Galmudug lagu dulmay beelaha Surre ee Dir oo ay soo dajiyeen Xasan sheekh iyo Cabdikariin guuleed ayaa Shariif Xasana loosoo dhiibay ujeedadana waa in Biimaal minority laga dhigo deegaankiisana lakala qaybsado tuugo iyo Daalimiin isbahaystay oo dawladnimadii Soomaaliya Qaab beeleed ugu adeeganaya ayaa Shaxdaan soo dajiyey waana kufashilmeen federaalkana kuligiis waa fashilmay mana yeelayno in dhulkeena nalagu dulmo.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Beesha Biimaal waxgaradkeeda iyo hogaankeeda Soomaaliya jooga inay Qadiyada xilibaanada kamidoobaan xaqoodana marnaba aanay uga tanaasulin in ladhaco oo ladulmo.

Waxaan kaloo ugu baaqaynaa Taliyaha ciidanka Daraawiishta koonfurgalbeed inuu si buuxda udifaaco xaqa beesha Biimaal ee uu masuuliyadeeda uhayo.

Warmurtiyeedka waxaa soo saaray gudiga joogtada ee beesha Biimaal UK oo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE