Sababta Ka dambeysa Inay kala tagaan Maleeshiyada Xasan Jaamici (Xog)

Sidaan horey u baahinay Maleeshiyadii Xasan Jaamici ayaa isaga huleeshay Deegaanka Buulo mareer, waxaana xalay fiidkii ay gudbeen Deegaanka Muuri ee Gobolka shabeelada hoose.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayey baxsadka Maleeshiyadaasi hase ahaatee warka saxda ah ayaa soo baxaaya gelinkii dambe ee shalay.

Maleeshiyada Xasan Jaamici oo huwanaa magaca Hawiye si ay ugu heleen dhaqaale ay kula dagaalamaan Ciidamada Beesha Biimaal, waxa jiray isku dayo horey u fashilmay oo ay kusoo duulaan tageen.

Maleeshiyada ayaa u badnaa kuwo kasoo jeeda Habar gidir oo uu kasoo jeedo Xasan Jaamici waxa wehlinayey tiro kasoo kala jeeda beelaha Murusade iyo Abgaal oo qeyb ka ahaa duulaanka Magaca Hawiye loo huwiyey.

Maleeshiyaad baxsad ah oo gaaraya ilaa ku dhawaad 65 askari ayaa bartamihii bishii tagtay iska soo dhiibay deegaanka Gandaawi si loo dhaafiyo Muuri islamarkaana ujeedkoodu yahay inay ka fogaadaan dagaalada gardarada ah ee Xasan Jaamici uu horseedka ka yahay.

Maleeshiyadii shalay ayaa gaarayey ilaa 95 askari, waxaa kaabe maleeshiye u ahaa nin lagu magacaabo Qataatow oo ku heyb ah Jacafar oo horey ugu tirsanaa kaaba mooryaantii Shabeele state (Murusade).

Xasan Jaamici iyo maleeshiyadan ayaa isku maandfaay qaabka loo galayo dagaalka lagu qaadayo deegaanada Biimaal dadka deegaanka waxaana la hordhigay sababta ay u dhimanayaan wiilasha ay soo dagaal geliyeen.

Maleeshiyada Habar gidir ayaa u kala qeybsamey Cery iyo Saleebaan, waxaana Xasan Jaamic lagu qasbay laba midkood inuu kala cadeeyo dagaalka maalin kasta wiilashooda ay ku dhamaanayaan iyo inay isaga huleelaan Buulo.

Maleeshiyada Xasan Jaamici ee beesha Saleebaan/habar gidir ayaa ku adkeystay in ay istaaf u yihiin Kaabahooda ayna meel u soconin.

Maleeshiyada Ceyr/habar gidir ayaa ku dooday in Buulo aanay ka oolin wax shaqa ah islamarkaana ujeedkooda uu ahaa inay sii joogaan Marka iyo Buufow si ay qeyb uga noqdaan deegaanada ay xooga ku joogaan hadii looga soo itaal roonaadana ay raadinayaan meelo kale oo ay ku baxsadaan si ay uga nabad helaan xabada Ciidamada deegaanka.

Mudo seddax maalmood ayaa kaaba mooryaan Xasan Jaamici laga sugayey inuu bixiyo jawaab, maalintiis shalay aheyd ayey go’aansadeen inay isaga soo tagaan Buulo mareer, waxaana xalay fiidkii ay si nabad gelya ah kaga gudbeen Deegaanka Muuri.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE