War horu dhac ah oo laga helayo Safarka Wafdiga Afgooye iyo Kulamo albaabada u xiran Oo hada Socda

War aan ka helnay Degmada Afgooye ayaa sheegaya in haatan uu halkaasi ka socdo kulan aad u weyn oo ay isugu yimaadeen Madax kala duwan.

Madaxda Dowlada Fedaraalka, Madaxda maamulka koonfur galbeedka, saraakiil Ciidan oo isugu jira Soomaali iyo kuwo ka socda Amisom ayaa gaaray halkaasi si xal ay uga gaaran mashaaakilaadka ragaadiyey Dowlada iyo maamulka k/galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya, taliyaha Cusub ee Ciidanka Xooga dalka, Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed, Madax weynaha Maamulka k/galbeed Shariif Xasan, taliska Amisom ee shabeelada hoose oo fadhigiisu yahay Carbiska iyo saraakiil kale oo isugu jira Soomaali iyo kuwa ka socda howlgalka midowga afrika ee amisom ayaa haatan kulan albaabada uxiran ku leh Afgooye.

War horudhac ah oo aan ka heleyno Afgooye ayaa sheegaya in kulankaas looga hadlayo sida xal loogu heli lahaa Maleeshiyada Magac Dowlada huwan oo dhibaatooyin kala duwan ka wada Shabeelada hoose.

Ilaha wararkan aan kasoo xiganay ayaa inoo sheegay in sidoo kale leysku soo hadal qaaday sida ugu macquulsan ee loo saari lahaa Maleeshiyadaas dowlada Muqdisho ay ku mashquulisay Shabeelada hoose ka dib markii ay ku heyn weysay xerooyinka Muqdisho.

Dowlada Xasan Sheekh iyo Maamulka Shariif Xasan ayaa culeys xoogan kala kulmaya Shabeelada hoose, waxaana jira in laga horyimid qorshayaal badan oo ay u adeegsadeen wajiyo kala duwan hase ahaatee dhamaanba fashilmay.

Waxaana sidoo kale jira in Dowlada iyo Maamulka Koonfur galbeed loogu baaqay in ay fara gelinta ka daayaan Shabeelada hoose oo ay diidanyihin in dadkiisa uu maamusho ayna ka tashtaan aayahooda.

Waxaan soo gudbin doonnaa hadii alla awooda lihi ogolaado hadba sida uu kusoo dhamaado kulanka haatan socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE