Wariyeyaal Ku Sugnaa Shirkii Afgooye Oo loo Diiday Inay Duubtaan Codadka iyo Muuqaalka Shirka halka loo Ogolaaday Tv-ga Dowlada Muqdisho

War naga soo gaaray Degmada Afgooye gaar ahaan halka uu ka dhacaayo Shirka oo ah hotel ku yaala Baar Ismaaciil oo xarun Kumeel gaar u ah Maamulka Shariif oo ay goob joog ka yihiin Madaxda Dowlada iyo Maamulka koonfur galbeed ayaa waxa laga mamnuucay in Wariyeyaasha ay duubtaan Codadka iyo muuqaalka Shirka.

Mid ka mid ah wariyeyaasha ayaa Markanews u sheegay in Wariyeyaasha loo diiday inay hor istaagaan Madaxda islamarkaana lagu amray in ay tagaan halka ay fadhiyaan Odayaasha shirka kasoo qeybgalay gadaashooda, waxaana uu iisheegay in loo ogolaaday kaliya Tv-ga dowlada oo wariye ahaan uu ka socdo Bashiir Khaliif Gaani iyo Kaamirmaan magaciisa lagu soo koobay Timoos.

Wariyeyaasha ayaa ka carooday sida lagula dhaqmay iyo waxa sababay in loo ogolaado Tv-ga ku hadla Afka Dowlada Xasan Sheekh, waxayna isaga soo dareereen halka shirka uu ka socdo.

Dhaqamada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxa ku dhaqma shakhsiyaadka nidaamka u qaabilsan Xasan Sheekh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE