Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan Oo ku wajahan Afgooye iyo Wadada Muqdisho ilaa Afgooye Oo Maanta Xiran

Degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa hada ku wajahan Wafdi ka kala socda Dowlada Fedaraalka iyo Maamulka koonfur galabeed.

Madaxweynaha Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan ayaa la sheegayaa inay kusii socdaan Afgooye oo kulamo kala duwan halkaasi ay kula soo qaadan doonaan dad la sheegay inay ku diyaarsanyihiin Afgooye.

Weli lama oga cida ay la kulmi doonaan iyo waxa ay kala hadlayaan Labadan Madaxweyne oo fashil siyaasadeed uu kasoo wajahay goobaha ay maamulaan.

Madaxweyne Shariif ayaa maalmahan xusul duub ugu jira in Xasan Sheekh uu horgeeyo Deegaanada ay ka jiraan dhibaatooyinka ay sababeen maleeshiyada lasoo dowladeeyey ee Dowlada Xasan Sheekh ay ku daadgureysay Shabeelada hoose iyo sida shacabka ay u diidanyihiin ka mira dhalinta qorshyaasha guracan ee Shariif loo soo adeegsaday.

Waxaa xiran wadada soo gasha Afgooye ee ka timaada Muqdisho, Ciidamao tira badan ayaa lagu daadiyey Ex-koontarool afgooye oo diidayo inay gawaarida ay ka gudbaan iyo Baar ismaaciil oo iyadana lagu daadiyey Ciidamo kale oo diidan in wadada lamaro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE