Calanka Falastiin Oo dhawaan Laga Taagayo Xarunta Qaramada Midoowbe

Qaramada midoobe ayaa u codeysay in Calanka Dowlada reer Falastiin laga taagayo markii ugu horeysey xarunta QM ee New york.

Cod qaadis loo sameeyey wadamadii kasoo qeybgalay Shir ka dhacay New york ayaa waxa ogolaaday 119 wadan waxaana arintaasi ka horyimid 8 wadan oo ay ku jiraan Yahuuda iyo Mareekanka.

Gudoonka shirka ayaa ku dhawaaqay in calanka Falastiin laga taagi doono xarunta QM gaar ahaan halka ay ka taagan yihiin calamada wadamada QM ku jira.

Ergeyga Falastiin u fadhiya Qaramada Midoobe Riyaad Mansuur ayaa arintani ku tilmaamay talaabo wax ku ool ah oo horey loo qaaday isla amrkaana reer Falastiin ay ku gaari karaan Dowladnimo.

Dowladnimada Falastiin ayaa waxa aqoonsan ilaa 135 dowladood oo ka mid kuwa ku jira QM.

Yahuuda ayaa kasoo horjeesatay codeynta Calanka Falastiin, waxaana ay ku goodisay in lagu laaban doono codka la qaaday.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE