Dhegeyso qudbada Madaxweyne Xasan Sheekh “Reer Shabeelada hoose hadii Jug iyo Jug ay isa siiyaan Maharsanayiin”

Madaxweynah Dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysa waxa uu ka jeediyey Shir ka dhacay Degmada Afgooe ee Gobolka shabeelad hoose.

Xasan sheikh ayaa ugu horey soo hadal qaaday in ay jireen heshiisyo hore oo loo gaaray hase ahaatee loo baahnaa in la dhaqan geliyo heshiisyada la gaaro, waxaana uu tilmaamay in dadka gaaraya heshiiska laga doonayo inay dhaqan geliyaan waxa ay gaareen, waxa uu ka gaabsaday beesha isku moodey inay Dowlada Umada Soomaaliyeed ka xigto in marnaba aanay raali ka eheyn fulinta hesiisyada la gaaro.

Waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka la dagaalanka Shabaab iyo isbaarooyinka ay dhigataan Maleeshiyo huwan magacyo dowladaeed oo dadka ku dhibaateenaya.

Qudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale waxa uu kaga hadlay isjiijiidka Beelaha, waxa uu tusaale ahaan uu soo qaatay Saca gees weyn oo Lo’da ka ceyrsada Cooska markii uu ceyriyana isagana daba raaca Lo’da “Maahmaahdii aheyd Saca gees weyn leh Lo’da Cooska waa ka bixiyaa, jug suu ugu siinayo kanna jug Lo’da waa iska dareersane kaligiis maa geedka hoos harsahaayo waa daba kacaa isagana” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Reer Shabeelada hoose hadii jug iyo jug isa siiyaan ma harshaayiin, inay harsadaan ayaan rabnaa, oo maamul iyo dowladnimo la helo, laakiin reer hebel iyo rer hebel haday jirto Dowladnimada Qatar ayey galee’ ayuu hadalkii sii raaciyey Madaxweynaha Dowlada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma sheegin sida lagu heli karo nabad inta ay jiraan Mooryaan deegaanka sheeganeysa oo aanan ka woontoobin weligood inay deegaankan ka samraan maamulkiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iska indha tiray dhibaatooyinka ay sababeen Maleeshiyad Dowladiisa iyo beelaha uu kusoo hubeeyey Hubkii Cadowga loogu talagay oo ku harakicinaya shacab aan waxba galabsan.

Dhegeyso qudbada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE