Kooxda Ahlu sunnah Oo Baarsooyinkeeda Ka qaadatay Dhuusa Mareeb

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud ayaa kusoo waramaya in Maamulka Kooxda Ahlu sunnah ay baneeyeen Magaaladaasi.

Wararka ayaa tilmaamaya in horjoogayaasha kooxda ay u ruqaansadeen Degmada Guriceel oo xarun u ah kooxda.

Lama oga sababta keentay in Kooxda ay kasii baxdo Dhuusamareeb hase ahaate waxa jira gulufyo colaadeed oo aad u xoogan oo ay wadaan dhinacyada isku haaya Galguduud sida Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed Gal nus Mudug iyo Kooxda Ahlu sunnah oo dhankeeda sheeganeysa inay tahay Maamul sameyntay Madaxweyne.

Boqolaal Maleeshiyo oo ka kala tirsan Maamulka C/kariin Guuleed iyo Kooxda Ahlu sunnah oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Dhuusamareeb ayaa ku kala sugan Mareergur iyo Godinlabe.

Kooxda Ahlu sunnah ayaa habeen hore dhaawacyadii ka yiilay Isbitaalka Magaaladaas u qaaday Guriceel.

Dadka halkaasi ku sugan ayaa ka cabsi qaba in ay la kulmaan dagaalo culus oo dhexmara kooxaha isku hub guranaya islamarkaana aanay jirin wax waan waan ah oo laga dhex wado.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE