Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo ku wajahan Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Kismaayo Ee xarunta Gobolka Jubada hoose oo sidoo kale xarun u ah Maamulka Jubbaland.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku saleesanyahay ka qeyb galka Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dhawaan lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in maalinta berita ah xaflad Caleema saar ah lagu sameeyo Kismaayo Madaxweynahooda.

C/weli Gaas ayaa ah mas’uul si gaar u ah ugu dhow dhigiiisa Axmed Madoobe oo lagu tiriyo laba mas’uul oo siyaasad ahaan si weyn uga aragti duwan Madaxda Dowlada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE