Wasiirka Amniga Oo Inay Wadashaqeeyaan Ugu baaqay hey’adaha amniga iyo kuwa Garsoorka

Wasiirka Wasaarada amniga Xukuumada fedaraalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay in wadashaqeyn buuxda ay yeeshaan hey’adaha amniga iyo kuwa garsoorka ee dalka ka jira.

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahanyahay in marka lasoo qabto shakhsi lagu tuhmayo dambi looga baahanyahay hey’adaha amniga inay ku wareejiyaan garsoorka si buu yiri loo baaro dambiga eedeysanaha.

Waxaa uu intaa raaciyey in hadii ay si buuxda isku fahmaan hey’adaha amniga iyo kuwa garsoorka in la gaari doono sida uu sheegay amni.

Hey’adaha kala duwan ee dalka ayaa la sheegaa inaanay laheyn wadashaqeen iyo kala war qaadasho, waxaana sidoo kale mas’uuliyiin lagu eedeeyaa in aanay aqoon buuxda u laheyn xilka loo igmaday iyo qaabka ay u wajahayaan maareynta musiibooyinka lasoo dersa dalka ee hey’adiisa khuseeya

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE