Gabar Muxsinad Ah Oo Dhaqaalihii Ugu Horeeyey Soo Gaarsiisay Wiil Naafa ah Oo Ku Xanuunsanaya Magaalada Marka (Sawiro)

Gabar Muxsinad ah ayaa Wiil dhawaan Sawiradiisa aan Ku baahniya Markanews waxa ay soo gaarsiisay Lacag Dhan $200 (Laba boqol oo doolar) si loogu iibiyo Gaari lagu socodsiiyo Wiilkaas oo curyaan ahaa.

Cali Maxamed Cumar Waa da’aada 16 sano jir waana Wiil Naafa ah oo u baahna in loo gar gaaro, waxa uu ka mid yahay qoys ka kooban 3 Gabdhood iyo Isaga waxaana uu kasoo jeedaa qoys dan yar oo aanan awoodin dhaqaale ay wiilkooda ku dabeeyaan ama ay ku daboolaan baahiyaadkiisa.

Markanews ayaa lasoo gaasriiyey Lacagta ay soo dhiibtay Gabadha Muxsinada ah oo codsatay in Magceeda loo qariyo, Waxaanna gudoonsiinay Gaariga loo iibyey iyo Lacagta sida aad ka arki kartaan Sawirada.

Nuurto Mukhtaar Maxamed oo ah Hooyada Wiilka dhashay ayaa ka codsatay qof walba oo wax baxsan kara in ay ku kaalmeyso Wiilkeeda maadaama qoyskeeda uu ku suganyahay xaalado iyo duruufo adag.

Fadlan Caawi Wiilkan Oo u baahan in adeegyo dheeraad ah in loo qabto.

Rasuulka صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri:

“أنا وكافل اليتيم في الجنة كهاتين ، وأشار بالسبابة والوسطى ، وفرق بينهما”

Qeexidda Bukaanka oo Kooban:

Magaca Bukaanka : Cali Maxamed Cumar
Magaca Hooyada : Nuurto Mukhtaar Maxamed (Nuurta Taliyow)
Baahida Uu Qabo : Dhaqaale lagu daryeelo.

Qofkii doonayo inuu caawiyo wiilkan yar, wuxuu la xiriiri karaa Lambarkan hoos ku qoran:

Tel: 00252616066100 (Saalax Kalgacal)

Haddii aad telefoonada kor ku qoran kuu shaqeyn waayaan, waxaad la soo xiriiri kartaa info@markacadey.com, innaga ayaa kuu fududeyn doono xiriirka qoyska dhibaateysan.

DSC00218

DSC00219 DSC00220 DSC00223 DSC00224 DSC00225 DSC00228 DSC00229 DSC00230 DSC00231 DSC00232 DSC00233 DSC00234 DSC00235 DSC00236

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE