Axmed Madoobe Oo Maanta Lagu Wado In Lagu Caleema Saaro Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in maanta lagu caleema saaro Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan Madaxda Dowlada Fedaraalka, Wasiiro, Xillibaano maamul goboleedyada dalka qaarkood ayaa ka qeyb galaaya Xaflada oo hada ay socota qaban qaabadeeda.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa lagu daadiyey dhamaan wadooyinka xaafadaha iyo kuwa waaweyn si ay u sugaan amaanka.

Jawiga Magaalada Kismaayo ayaa maanta ka duwan siday soo sheegayaan dadka halkaasi ku sugan,waxaana ay kusoo waramayaan in magaalada laga dareemay diyaar garowga Munaasabada.

Weli ma cada in xaflada ay ka qeyb gali doonaan Madaxweynaha Dowlada Muqdisho iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE