Deg Deg R/wasaaraha Xukuumada Fedaraalka ah iyo Wafdi Uu Hugaaminayo Oo Goordhow Gaaray Kismaayo

War hada soo dhacay ayaa sheegaya R/wasaaraha xukuumada fedaraalka Cumar C/rashiid iyo wafdi uu hugaaminayo in goordhow ay gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Wafdiga R/wasaarah ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin kale.

R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Xaflada ayaa haatan si toos ah loo daah furay waxaana goobta ku sugan marti sharaf kala duwan oo kasoo qeybgashay Xaflada iyo fanaaniin.

Sidoo kale waxa halkaasi gaaray wafdi kale oo uu hugaaminayo Safiirka Dowlada Igad ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.

Wixii kuoo kordha waan soo gudbin doonnaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE