Dhageyso Wareysi xiiso leh oo gudoomiyaha Degmada Marka ku sheegay inuusan reer xil u heyn ee soomaliweyn uu xil u hayo, in uusan khad Internet heysan iyo in cidii asiga mucaarada tahay kacaan-diid

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey ayaa sheegan in xilka uu hayo ee gudoomiyaha degmada Marka uusan u heyn beesha uu ka soo jeedo ee uu xilkaas u hayo soomali weyn.

Gudoomiyaha ayaa mar aan weydiinay qaabka loogu soo dhaweeyay degmada Marka, markii uu dhowaan tegay ayaa ku dooday in si aad ah loogu soo dhaweeyay, cadeyna ay u tahay Vedio muujinaya si balaaran ee loogu soo dhaweeyay Marka, uuna noo soo diri doono laakiin nasiib daro uusan ilaa hadda heysan qad internet ah oo uu ka soo diro laakiin laba maalin kadib uu qad internet soo xiran doono.

Mar aan gudoomiyaha degmada Marka weydiinay in ay jirto dhalinyaro iyo odayaal reer Marka ah oo lagu xiray magaalada Marka dhowaan, lana sheegay in uu isaga ka dambeeyo, waxa uu ku jawaabay in xariga dadkaas uu jiro, isagana uu ka dambeeyo, sababtana ay tahay in ay yihiin wax uu ku sheegay kacaan diid oo uu ula jeedo in ay isaga mucaaradeen.

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumareey ayaa sidoo kale qirtay in uu u hanjabay wariye Saalax Kalgacal ilaa uu ka qirto in uusan la shaqeyn Shabakadda Markacadey, waxa uuna ugu hanjabay wariyaha Wareysanayay in hadii uu goboka yimaado uu xiri doono.

Mar aan weydiinay in uu degmada ka saarayo mooriyaanta dhibaatada ka wada degmada iyo guud ahaan gobolka ayaa waxa uu ku jawaabay in ragaas ay gobolka caruur ku dhaleen, xuquuqna ku leeyihiin.

Wareysigan oo dheeraa qeybo badana taabanayey ayaan ka cudur daaraneynaa in aanan dhammaan idin soo wadagudbin karin waayo waxaa ku jira hadalo badan oo aan u aragnay in aysan habooneyn inaan faafino xilligan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE