Madaxweynaha Uganda Oo Qirtay Askar ay Ku La’yihiin Weerarkii Janaale

Madaxweynaha Dalka Uganda Uweri Musaveni ayaa qirtay in askar kasoo jeeda Dalka Uganda ay ku la’yihiin weerarkii 1-dii bishan ka dhacay Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Musaveni oo ku sugan Magaalada Tokiyo ee Jabaan ayaa halkaasi waxa uu kula hadlay Saxaafada isagoo sheegay in askar gaareysa ilaa 19 looga dilay weerarka Shabaab ay kusoo qaadeen Janaale, ma sheegin tirada dhaawaca ah ee janaale ku waxyeelowday.

Madaxweyne Musaveni ayaa intaas hadalkiisa sii raaciyey in weerarka ay ku waayeen ilaa 6-askari oo weli aanay garaneyn meel jaan iyo cirib dhigeen.

Madaxweynaha Uganda ayaa eeda weerarkaasi dusha uga tuurey saraakiisha Ciidamada Uganda Ee xaraead oo uu ku eedeeyey inay iska hurdeen iyadgoo Ciidanka Xerada ku jira aan ku wargelin in la feejignaado maadaama ay dhici karaan weeraro lagu soo qaado xerada.

Waxaa uu tilmamay in shaqada laga joojiyey saraakiisha eedaasi lagu eedeeyey islamarkaana dhawaan maxkamada lasoo taago si buu yiri loogu qaado dacwado la xiriirta dayaacadaa ciidanka iyo xerada.

Dagaalyahanaada Shabaab ayaa 1-dii bishan weerar ku qaaday Fariisin Ciidanka amisom ay ku leeyihiin Degmada Janaale, shabaab ayaa sheegtay in askar badan ay ku disahy weerarka islamarkaana ay gacanta ku heyso tiro maxaabiis ah oo weli aanay sheegin tiradooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE