Tirada Dadkii Ku Geeriyoodey Wiishka Xaramka Oo Sii Kordheysa iyo Muwaadiniin Soomaali ah Oo Ku waxyeeloobay

Waxaa sii kordhaya dadka ku geeriyoodey Wiish kusoo dumay Xaramka oo ay ku sugnaayeen xujey badan oo cibaado ku jirtay, waxaana tiro khilaafsan ay kasoo baxayaan dadka halkaasi ku geeriyoodey.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay ku dhawaad 100 ruux in ay ku geeriyoodeen dhismaha soo dumay islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 180 ruux oo halkaasi ku sugnaa.

Dadka dhaawacmay ayaa 3 ka mid ah waxa lasoo wariyey inay ahaayeen Soomaali dooneysay inay xajiso oo kala ah.

1, Cabdirisaaq Cilmi Samatar oo ka yimid Magaalada Hargeysa dhaawac Culus ayaa ka soo gaaray Madaxa isagoona mid ka mid ah Gacmihiisa uu jab soo gaaray.

2, Cali Aadan Bare oo ka tagay Magaalada Boorame ayaa la sheegayaa in isna uu ka jwabay Garabka.

3, Maxamed Mukhtaar Xasan oo ka tagay Gobolka Bakool ayaa la sheegayaa in isna dhaawiciisa uu yahay mid fudud.

Sidoo kale waxaa lasheegayaa inay jiraan Soomaali kale oo waxyeelo ay kasoo gaareen mashaqada Xaramka hase ahaatee weli lama helin magacyoodadaa iyo halka ay kasoo xajinayeen.

COoxz1eWoAALQAU COo2BMGUwAATHlV COo2BMLUEAA5qeK COo3tCLUwAIVS6D COo3tCMU8AAiEiJ

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE