Xildhibaano Dheeri ah Oo Maanta Lagu Dhaarin Doono Kismaayo

Xillibaano dheeraad ah oo gaaray ilaa 10 xillibaan ayaa maanta lagu dhaarin doonaa Magaalada Kismaayo kuwaas oo ka mid noqon doona Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Mudanayaashan  ayaa  diyaarada lasoo raacay r/wasaaraha dalka, Axmedoobe ayaa cadaadis kala kulmay Madxaweynaha Dowlada si xubnahaas loogu kordhiyo Baarlamaanka muranka uu ka taagnaa ee Jubbaland.

Waxaa lagu soo waramayaa in xillibaanadan Madaxweyne Xasan uu kasoo kala saaray Beelaha Hawiye oo uu doonayo in ku qanciyo.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan shaaciyey in 10 xubnood lagu kordhinayo Baarlamaankiisa, shir deg deg ah oo shalay ay yeesheen Baarlamaanka islamarkaana uu shir gudoominayey Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa waxay ku codeeyey in lagu soo kordhiyo xubnaha cusub si tirada guud ay u noqoto 85 mudane.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE