Mooryaano ka amar qaadata Kaaba Mooryaan Cali Nuure Oo Maanta Suuqa Marka Ku jirdilay Wiil ganacsata ah

Mooryaan ka amar qaadata Kaaba Mooryaan Cali Nuure ayaa maanta bartamaha suuqa Magaalada Marka ku jirdilay Wiil dhalanyara ah oo ka mid ahaa ganacsatada Mobeylada ku iibisa Suuqa.

Wiilkan oo da’diisa naloogu sheegay 26 sano jir ayaa loogu tagay isagoo horfadhiya goobtiisa ganacsi, mooryaanta ayaa weydiisatay inuu fadhiga uga kaco uu ku xaroodo dukaankiisa si ay halkaasi ugu yeesheen sheeko.

Wiilka ayaa u sheegay in uu ganacsi meesha ku heysto islamarkaana meel uusan u socon ayna tagaan meelaha fadhi ku dirirada ah, waxaa loogu jawaabay gacan ka hadal, isagoo si xun loogu jirdilay qori baadkiisa iyo liifkiisa, markii ay jirdileen ka dib ayey ku yiraahden orod u dac wow gudoomiye ku sheega Saldhiga ku xareysan.

Sida ay inoo soo tabiyeen dad suuqa ka raacay, Wiilkan ayaa u tagay Gudoomiye Xasan Cumarey oo markaasi ku jiifay darin gees hoos taala oo uu kaga xog waramay dhibta ay soo gaarsiiyeen Mooryaan kasoo duushay guriga kaaba mooryaan Cali Nuure.

Xasan ayaa u sheegay dhibanaha in uu muujiyo samir iyo dul qaad oo haatan aan waxba loo qabin karin maadaama maamulka weli aanu sal yeelan sidaa darteed wax badan uu ka qaban karin dhibaatooyinka ay geysanayaan Mooryaan Cali Nuure.

Ugu dambeyn Wiilka ganacstada ah ayaa aaday xaafadiisa si uu isaga dabeeyo dhibaatooyinka soo gaaray.

Inta badan Mooryaanta Cali Nuure ayaa dhibaatooyin kala duwan ka geysta Shabeelada hoose, waxaana ay ku faanaan dhibaatooyinka ay geystaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE