Dhegeyso Madaxweyne Xasan Sheekh “Dagaalka Markan Saxaafada ayuu nooga haray, waan ka adkaan doonnaa wixii kale Waan ka guuleysanay””

Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in waxbadan Dowladiisu ay ka gudubtay islamarkaana uu usoo haray kaliya dagaal ay saxaafada kula jirto.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka dhawaajiyey mar uu ka hadlayey xaflada Caleema saarka Kismaayo lagu qabtay isagaoo ku nuux nuuxsady inay ka adkaadeen dagaalada madaafiicda iyo bambooyinka hase ahaatee weli aan laga guuleysan Dagaalka xaga Saxaafada.

“Waxaa Hadda Dagaalku Ka Socdaa Dhinaca Media Ah Ama Saxaafadda Oo Aan Leenahay Waalaga Haboonyahay, Dagaalka Saxaafadda ayuu hadda nooga soo haray Madaafiic iyo Bambooyin Noogama Soo Harin, Saxaafadda Keedana Waan ka gudbaynaa Mardhow ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Inta badan Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu dhaliilaa caburinta saxaafada iyo is hortaaga soo bandhigiddaa xaqiiqooyinka jira, maadaama Dowladiisu lagu tiro dowladaha ugu musuq iyo qabyaaladeysiga badan dowladaha soo maray Dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE