ISkuulka Degmada Nambar 50 Oo Shaqa Bilaabay iyo Maamulka Oo Baaq u diray Qurba-joogta (Sawiro)

Iskuulka Degmada Nambar 50 oo dhawaan dayactir lagu sameeyey ayaa hada waxa ka bilowday waxbarasho aasaasi oo wax lagu baraayo arday da’yar oo iskuulka lagu bilaabay si ay u bartaan qorista iyo aqrinta farta Soomaaliga.

Dhawaan ayey inoo suuragashay inaan booqano Iskuulka oo ay ka socotay waxbarashada Caadiaga ah ee maalmaha todobaadka, waxaan halkaasi kula soo kulnanay Maclimiin isugu jira Rag iyo Dumar oo u istaagay in si iskaa wax u qabso ay ugu shaqeeyaan ardayda Iskuulka loo aasaasay.

Maclimiinta ayaa inoo sheegay in mudo laba Todobaad ah uu iskuulku furanyahay islamarkaana ay ku bilaabeen arday aan sidaa u tira badneyd.

Iskuulkan ayaa xirmay bartamihii Sanadii 2013kii oo dagaalo ay ka bilowdeen Gobolka Shabeelada hoose, waagaas oo ay dhiganayeen arday fara badan oo hada ku kala firxaday meeko kala fog.

Maclimiinta qaar ee hada Iskuulka sida iskaa wax u qabsiga u shaqeeneysa ayaa ka aflaxday Iskuulka halka qaarkoodna ay horey u ahaayeen Maclimiinta ardey badan soo saaray.

Maamulka Iskuulka ayaa ugu baaqay qurba joogta Deegaanka inay u istaageen sidii ay u hormin lahaayeen goobaha waxbarasahada iyo Caafimaadka Degmada.

DSC00192
Xafiiska Iskuulka

DSC00191 DSC00193 DSC00194 DSC00195 DSC00196 DSC00197 DSC00198 DSC00199 DSC00200 DSC00201 DSC00202 DSC00203 DSC00204 DSC00205 DSC00206 DSC00207 DSC00208 DSC00209 DSC00210 DSC00211 DSC00212

DSC00190

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE