Nabadoon Kuule Oo ku Howlan Taageero u raadinta Maamulka Xasan Cumarey Xili ay fashilmeen qorshayaal hore

Nabadoon Kuule Abiikar Muudey oo ka mid ah Nabadoonada Beesha Biimaal ayaa ku howlan taageero u raadinta Maamulka Xasan Cumarey oo Muraayaradaha ay ka dalacdeen Shacabka uu matalo.

Nabadoonka ayaa dhawaan Gaari khaas ah laga soo saaray Muqdisho si uu u furo wado wadashaqeyn iyo mid kalsooni oo looyeesho Maamulka Xasan Cumarey oo goor sii horey laga horymid.

Kulan ka dhacay Muqdisho ayaa islamarkaana lagu gorfeenayey qaabka Nabadoonada Shanta ah ay u aadi lahaayeen Marka ayaa fashil ku yimid ka dib markii afar ka mid ah nabadoonada ay diideen inay wadahadal ka furaan Marka kaas oo u dhaxeeya Biimaal iyo habar gidir (dhul boob), Kuule ayaa ku dhiiraday inuu arintaas guntiinaha u xiran doono.

Kuule sida ay soo sheegayaan Shacabka Marka mudo todobaad ku dhow ayuu Marka joogaa, kulamo kala duwan ayuu la qaatay Gudoomiye Xasan Cumarey iyo Odayaal  uu ku aqriyey fikrado guracan oo Muqdisho uu kasoo xambaaray.

Mudo seddax jeer ayuu kulamo ku qabtay Gurigiisa oo sida naloo sheegay ku yaala meel kudhow Xaafada ayuub, kulamadaas ayaa ujeeddooyinka laga lahaa ay ahaayeen sidii taagero loo siin lahaa Maamulka Xasan Cumarey, laakiin dadkii ka qeyb qaatay dhamaantood waa ay ka biya diideen hindisaha Kuule oo loo arkay shakhsi doonaya inuu dadka ilowsiiyo dagaalkii loo soo maray xurriyada deegaanka.

Waxaa kaloo jiray isku dayo kale oo fashilmay oo Nabadoon Kuule uu ku doonayey inuu kusii amba qaado khorshayaashiisa qaldan, ugu dambeyn maamlintii Jimcaha ayaa Kuule uu soo istaagay banaan cidla ah.

Maanta Kulan ka dhacay Magaalada Marka ayaa lasoo wariyey inay isugu yimaadeen Nabadoon Kuule iyo qab qable Magaciisa lagu soo koobay Xasan yare oo ka tirsan dagaal huriyeyaasha Beesha dhul boob.

Kulanka ayaa diirada lagu saarayey sida looga hortagi karo fashilka Kuule waxaana loo jeexay Kaarto cusub oo markale uu ku shirtagi karo, kaartooyinka ayaa sida aan ku helnay waxa ka mid ah in dhalanyaro abaabul uu ku sameeyo si looga dhaadhiciyo in ay yihiin Mustaqbalka Maamulka iyo kuwa loo shaqeenayo.

Horey ayaa looga digay Safarka Nabadoon Kuule uu ku tagi lahaa Magaalada Marka, Nabadoonkan ayaa lagu tiriyaa shakhsiyaadka sida dhow ugu xiran kaaba mooryaanta kala ah Cabdul, Diirshe iyo kuwo kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE