Shirkii madaxda Soomalida ee Kismaayo oo lagu kala dareeray kadib markii..

Shir maanta madaxda maamul goboleedyada Soomaliya uga furmay magaalada Kismaayo ayaa hakad galay kadib markii uu ka baxay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas.

Shirkan ayaa lagu waday in madaxda maamul goboleedyada Soomaliya ay ku jeex jeexaan laba qodob oo kala ah  sidii loo heli lahaa hanaan leysku raacsan yahay oo loogu gudbu xilliga soo socda marka la gaaro sanadka 2016-ka oo ay ku egtahay madaxtinimada madaxweyne Xasan Sheekh iyo in laga doodo khilaafka ka dhex jira maamul goboleedyada.

madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa shirka kabaxay kadib markii uu sheegay in uusan Kismaayo u imaan shir maamul goboleedyada Soomaliya ku saabsan, ee uu u yimid kaliya in uu ka qeybgalo caleema-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirkan aya sidoo kale waxaa ka qebgalayey ergeyga QM u qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay iyo wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE