Taliye Maxamed Sheekh Oo Maalintii Seddaxaad Marka ku sugan (warbixin)

Taliyaha Ciidamada Deegaanka Col. Maxamed Sheekh Xasan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa Maalintii seddaxaad ku sugan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Socdaalka taliyaha ayaa la xiriira sidii dib u habeyn loogu sameen lahaa Ciidamada deegaanka oo diyaar garow ugu jira sidii ay dagaalo hor leh ugu qaadi lahaayeen Deegaanka Shalambood iyo meelaha la midka ah oo ay ku suganyihiin Mooryaanta dhul boobka.

Mar aan xiriir la sameynay Taliyaha si aan wax badan uga ogaano Socdaaulkiisa ayaa inoo sheegay in haatan aanu ka hadli karin arimahaas islamarkaana uu ku jiro howl ciidan aan laga hadli karin hase ahaatee uu noo qiray in dhawaan saxaafada uu ku maqti qaadi doono deegaanada sida weyn loo hadal haayo oo hada gacanta ugu jira Maleeshiyada Xasan Jaamici iyo Kaaba Mooryaan Cali Nuur.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan Taliyaha ayaa Ciidamo u kala diray Deegaanada Siinaay iyo Buulo cadeed oo duleedyada Koonfureed kaga beegan Shalambood.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE