Wajigii Seddaxaad Shirka Wadatashiga Dowlada iyo Maamul Goboleedyada oo Kismaayo Ka furmaya

Shirka wadatashiga dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa maanta waxa uu ka furmayaa magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku dhanyihiin dhamaan Madaxda Dowlada iyo madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan ayaa noqonaya wajigii seddaxaad, waxaana horey loogu kala qabtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe, waxaana looga wada hadlayaa isbedelka sanadka 2016-ka la rajeynayo inuu ka dhaco dalka.

Madaxweynaha Dalka, R/wasaaraha iyo madaxda Maamul goboleedyada ayaa shalay ka qeyb qaatay caleema saarka Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed madoobe, waxaana maanta ay yeelanayaan shirka wadatashiga hiigsiga sanada 2016-ka.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka Cadaado iyo Baydhaba oo xarumo Kumeel gaar u ah Maamul goboleedyada kala ah koonfur galbeed iyo Galmudug.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE