Maraakiib Dagaal Oo Loo Soo Dirayo Xeebaha Soomaaliya

Dowlada Hindiya ayaa maraakiib dagaal usoo dirtay Xeebaha Soomaali oo loogu talagalay inay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta Biyaha Soomaaliya iyo gacanka Carabta,

Laba markab oo nooca dagaalka ah islamarkaana hada ku sugan wadanka Kuweyt ayaa lagu kala magacaabaa Tabar iyo  Deepak si ay qeyb uga noqdaan ladagaalanka Midowga Yurub uu ka wado biyaha Soomaaliya.

Maraakiibtan ayaa si joogta ah xogaha iyo warbixinada ula wadaagayaan kuwa midowga Yurub waxaana ay ilaalin doonaan Maraakiibta xamuulka ah ee Mareysa biyaha gacanka Cadmeed iyo Soomaaliy.

Wadamo gaaraya ilaa in kabadan 35 wadan ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalka lagula dagaalamayo kooxha buracad badeeda Soomaaliya hasea ahaatee waxa jira eedeyn mararka qaar loo soo jeedinayo maraakiibta oo la sheego iany biyaha Soomaaliya ay ka sameeyaan kalluumeysi sharci dara ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE