Aqoonyahaan Quunle “Maamulka Koonfur galbeed dhismihiisa ayaa awalba qaldanaa”

Aqoonyahaan Muuse Ismaan Quulne oo ka mid ah aqoonyahaanada Beesha Biimaal oo wareysi siinayey Markanews ayaa ka warbixyey arimo badan.

Aqoonyahaanka ayaa ugu horeyn eedeyn u jeediyey mas’uuliyiinta iyo maamulka koonfur galbeed oo uu sheegay inay qalad tahay sida ay wax u wadaan.

Waxa uu tilmaamay in maamulka koonfur galbeed uu qaldanaa dhismihiisa haatanna aan la jecleysan sida uu wax u wado.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Maamulka Marka iyo qaabka loogu horymid qorshayaashiisa.

Isagoo ka hadlayey hanaanka loo maray maamulka in aheyd in laga fiirsado “taladaan la ruugin waa lagu rabaafaadaa” ayuu ku hadal qabsaday.

Ugu dambeyn waxa uu tala uso jeediyey Odayaal uu sheegay inay qabanayaan shirar lagu bedalayo duubabka dhaqanka ee Beesha Biimaal.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE