Daawo/Akhri Cadeymaha:Safiirka Soomaliya Ee Iiraan Oo Eedeymo Culus Loo Jeediyay

Waxaa bishii u dambeysay bilaabantay in doonyihii kaluumaysiga ee laga leeyahay dalka Iran ee ka ka kaluumeysan jiray xeebaha soomaliya in laga soo buuxiyey dhalinyaro loo sheego in lagaynayo dalalka Iran iyo Turkiga si ay uga galaan halkaas dalalka yurub.

Dhalinyaradan ayaan wax lacag ah laga qaadin ilaa la gaarsiiyo goobo u dhexeeya dalalkaas oo buuro ah iyada oo marka halkaas lageeyana loo waco waalidiintood si ay lacagaha u bixiyaan, iyadoo waxii lagadareemo in aysan bixin karin waalidkood lacagtaas loo qabsado madaxfurasho.
Shaqadan ayaa bilaabantay bishii udanbaysay iyada oo ilaa hadda dad gaaraya 90qof ay sidaas ku yimaadeen, iyagoo la socda sadex doonyood,halka waxii awoodiwaayey lacagtaas loo qabsado laheystayaal, iyada oo lageeyo meelo buuro ah oo qabaw oo ay adagtahay inay ka soo baxsadaan ama laqabsadaan iyada oo aanan loo ogolayn wax telifoon ah.
Doomahan ayaa ka soo baxa xeebaha ka fog dhulka laamiga saaran iyada oo ay sidoo kale soo baxaan xilli habeen ah oo ay dadku hurdaan.
Dhammaan waalidiinta Soomaliyeed iyo caruurta Soomaliyeed waa inay aad u feejignaadaan, iyada oo loo baahan yahay in aan la rumaysan kooxahaas isku xiran ee dadka beenta u sheegaya, ama lugaynaya iyaga oo ku bedelanaya lacago dhiiga ummada Soomaliyeed.
Iyadoo aysan macquul ahayn in hawlahan socdaan iyadoo uusan ogayn safiirku maadaama ay tahay hawl saxeexiisa u baahan oo culus,sida shatiga doonyahaya dadkaas soo qaada u sahlaya in ay isticmaalaan calanka Soomaliya, iyada oo safaradu bixiso shatigaas taasoo u suuro gelineysa in aysan baarin ciidamada caamaliga ah ee badda Soomaliya ku sugan maadaama doonyuhu wataan shati dawladeed,una sameysan yihiin qaab kaluumaysi.
Iyada oo hawlahan ay wadeen ama uu mas’uul ka ahaa gacanyaraha safiirka Mr Mahad oo dadka ku soo dhaweeya xeebaha Iran intaysan soo galin dalkaas, isaga oo waxii cabsi qaba u sheega inaysan baqan oo safaaradu xaalkooda lasocoto iyada oo Xasan Kadiye oo safiirka ay walalo yihiin,degana Ingiriiska horayna u ahaanjiray dadka qaadka galiya yurub uu u qaabilsan yahay xawaaladaha, isaga oo qofka familkiisa halkaas uga sheega halka lacagta lagu hagaajinayo.
Dhammaan hooyooyinka,aabayaasha Soomaliyeed iyo qoys walba oo Soomali ah waxaa laga codsanayaa inay ilmahooda la socdaan dhaqdhaqaaqooda,waliba waxa ugu badan ee dhibaatadani saamaysay waa dadka iskuulka sare ka baxay ama jaamacadaha dhameeyey ee maqlay in sanadkan yurub qaadanayso qaxooti badan iyaga oo aan la socon khataraha ay waajihi karaan hadii familkoodu lacagtaas kooxuhu rabaan haysan ama bixin iyadoo dhalinyaro badan oo mustaqbal lahayd maanta godad galeen.
Waxaa kaloo laga codsanaya Dowlad-goboleedyada Soomaliya inay xeebaha amnigooda adkeeyaan, si aan dadka dhalinyarada oo ah xooga wadan walba ah loo haligin iyada oo Hay’adaha iyo shakhsiyadka ay hawshani khusayso laga codsanayo inay mas’uuliyadooda qaataan.
Ogaada in ilaahay qof walba uu maalinta qiyaame kula xisaabtami doono mas’uuliyada uu qaaday.

wabilahi Tawfiiq

Najib Osman MOhamud
second secretary of Somali embassy in Iran (Tehran)
tell 00989108798619/00989305998484

image image image image image image image image image

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE