Dhegeyso C/qaadir Siidii oo qeyla dhaan diraya “Ciidamada Gaashaan iyo kuwa Onkod hanaloo soo diro si ay ula dgaalamayaan Isbaarooyinka”

Xil kama dhamaadaha Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa markan direy qeyla dhaan xoogan oo ku aadan in la qaado isbaarooyinka yaala shabeelada hoose.

Siidii ayaa afka furtay weliba sheegay in loo baahanyahay Ciidamada Gaashaan iyo Onkod ee loo diro howlgalada qaaska ah in loo soo diro gobolkan si ay ula dagaalamaan isbaarooyinka yaala gobolka.

Gudoomiye Siidii ayaa hadalkiisa u muuqda mid wajiyo kala duwan leh waa marka hore waxa loo qaadan karaa hadal feejignaan lagu gelinayo kuwa ku labisan dareeska ciidanka dowlada oo jidgooyo badan ay u taalo wadooyinka shabeelada hoose marka xigtana waxa loo qaadan karaa qeyla dhaan uu ku ilaashanayo kursigiisa farahiisa kasii baxay.

C/qaadir Siidii ayaa xilkan qabtay sanadii 2006-dii oo dowlada allah u naxriistee C/hi Yuusuf usoo magacaawday Gobolka shabeelad hoose, ilaa haatan isaga ayaa haya xilkan waxaana dhawaaanahan xilkiisa taabsaday oo warbaahinta ka sheegta Kaaba mooryaan Cali Nuure.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE