Dhegeyso Suldaan Duureed “Mooryaanta Habar gidir Dad nool nool ayaa noogu maqan Oo aan ku ogeyn Nolol iyo Geeri, Maxaa naga dhaxeen kara”

Mukhtaar Xasan Garmeele (Suldaan Dureed) oo ka mid ah qurba joogta Beesha Biimaal ayaa fariin u diray Odayaasha ku howlan taageero u raadinta maamulka Xasan Cumarey.

Suldaan duureed ayaa sheegay in Biimaal iyo habar gidir aanay noqon doonin kuwa wax isla wadaaga ama wax isla qeybsada wuxuu shacabka milicsiiyey muwaadiniin marka u dhashay oo ay afduubteen kaaba mooryaanta oo ilaa haatan aan lagu ogeyn nolol iyo geeri.

“Dad nool nool ayaan ku tabeynaa habar gidir iska dhaaf wixii ay na biday yaa meel ku og muwaadiniinta naga maqan, Biimaal iyo habar gidir sidee wax ay ku wadaagi karaan” ayuu yiri Suldaan Duureed.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday odayaal uu ku sheegay calooshooda u shaqeystayaal aan kala jecleyn dhibaatada wiilashooda ku dhaceysa.

Dhegeyso Suldaan Duureed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE