Doorashadii iyo shirsaneedeedkii jaaliyada Zwolle iyo nawaxigeeda oo natiijo laáan lagu kala tegay

Shirka ka dhacay maalintii shalay oo 12 september 2015 magaalada Zwolle oo ay ka soo qeyb galeen maamulkii hore iyo jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda ulajeedadiisuna ahayd in lagu doorto maamul cusub ayaa ugu dambeyntii lagu kala dareereeyey iyadoo wax natiijo ah ka soo bixin.

Soo dhaweyn iyo mahad celin ka dib ayaa dadkii isugu yimid meesha waxay meesha ku doorteen gudiga qabanqaabada doorashada (taas oon aan caado u ahaan jirin jaaliyada Zwolle iyo nawaxigeeda).
Waxaa ugu horeyntii isa soo sharaxay 14 qofood oo rabta inay ka mid noqdaan maamulka , iyadoo markii dambe aysoo hareen 8 qof.
Shirkaa ayaa ku soo socday nadaam daro iyo is dhaqeysi laáan. Waxaa la maqlayey buuq iyo sawaxan aad u daran. Markii uu buuqu batay ayaa Cabaas Nuur Cali oo ka mid ahaa aasaasayaashii jaaliyada horena mudo gudoomiye aahaa jaaliyada ayaa isku dayey inuu dadka dajiyo. Xubin ka mid jaaliyada ayaa si shaqsi u soo weeraray Cabaas. Markii uu buuqa batay waa ayuu Cabaas oo ah khabiir u taqusasay maamulka iyo maareynta iskaga tagay shirkii, ka dibna ay tusaalahiisa dad badan raaceen badankiina ay shairka isaga tageen.
Waa ayaan xumo u soo hooyatay jaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda oo mar dadka Nederland iyo Soomaalida u ahaan jirtay tusaale lagu daydo.
Soomalida iyo nawaaxigeeda ayaa laga dareemayaa beryahan in u kala jabeen koox koox iyo isbaheysin aan lagu arki jirin laguna kasi jirin jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda.
Waxaa hada laga warsugayaa odaaysha degan Zwolle iyo nawaaxigeeda siday arintan soo food saartay u xalinsan lahaayeen.
Hadii aan la xalin arintaan waxay niyad jab ku noqon doontaa jiilka Soomaaliyeed soo koraya een degan Zwolle iyo nawaaxigeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE