Kulan ay yeesheen Maamulka Xasan Cumarey iyo Ganacsatada Marka oo fashil iyo hanjabaad kusoo idlaaday

Kulan uu soo abaabulay Madax waaxda dhul bixinta Maamulka Marka ayaa waxa wada yeeshay Maamulka iyo Ganacstada Magaalada.

Ujeedada kulan ka ayaa naloogu sheegay in ay tahay sidii maamulka ganacstada uu ugu heli lahaa dhaqaale iyo aqoonsi.

Ganacstada ayaa Maamulka waxa uu weydiistay $8,000 (sideed kun oo doolar) oo maamulka uu u baahanyahay, lacagaha ayaa loo kala qaaday kuwo lagu qabanayo barnaamij loogu magac daray isdhaxgalka iyo wax isla wadaaga Beelaha dagaalamay iyo qeyb uu doonayo maamulka maadaama weli aanu helin dhaqaalihi maamulka koonfur galbeed.

Maamulka ayaa ku amray ganacstada in ay waajib tahay bixinta lacahagaasi uu sheegtay cidii ka hortimaadana loo arkayo Kacaan diid (Maamul diid) oo ula jeedo in maamulkiisa ay kasoo horjeedaan.

Gancstada ayaa isugu jiray kuwa shirkadaha isgaarsiinta, xawaaladaha kuwa companiyada korontada, bakhaarada iyo ganacstada daawooyinka.

Laba qof oo ay wakiisheen ganacstada ayaa maamulka marka hore weydiistay in ay la yimaadaan kalsooni ku filnaata ganacstada iyo shacabka.

Waxa ay u sheegeen in haatan laga qaado canshuur iyo lacago kale oo baad ah oo looga qaado Xarunta Swiss kalmo iyo isbitaalka hortiisa intaasi intay jiraana aanay suuragal aheyn in ay bixiyaan lacagaha dheeriga ah ee maamulka weydiistay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aanu jirin ammaan ku filan ganacstada oo ay ku wataan howlahooda marna ay ka baqaan amisom oo maamul ka qabta la waayey iyo mar ay ka baqaan maleeshiyada kaaba mooryaan Cali Nuure.

Gudoomiye Xasan Cumarey oo ku dheereeya hanjabaada iyo caga jugleynta ayaa ganacsatada Marka u sheegay iyadoo aan la helin dhaqaalahaasi aan maamulkiisa waxba qaban Karin oo ay ku horgudban yihiin caqabado la doonayo in dhaqaalahaas lagu kala fur furo.

Ugu dambeyn ganacstada ayaa soo istaagay inay helaan kalsooni ay dhaqaale ku yaboohaan, maamulkana waxa uu ku adkeystay in dhamaan dukaamada uu usoo diri doono Ciidamao uu ku sheegay Boliis iyo mdani oo ula jeedo Mooryaanta Cali nuure cidii lacagaha la dulsaareyna u diida loo aqoonsanayo Kacaan diid maamulkiisa kasoo horjeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE