Maleeshiyada Cali Cilmi Oo Maanta dad Shacab ah Ku dhibaateeyey agagaarka Dugiga Sare ee Beeraha

Maleeshiyo ka tirsan kuwa ku jira Xarunta hey’ad beeleeda Swiss kalmo ayaa maanat dad shacab ah ku dhibaateeyey agagaarka Dudsuga sare ee Beeraha oo ku yaala inta u dhaxeysa Hotel Madiina iyo Xarun beeleeda.

Dadka la dhibaateeyey ayaa u badnaa dad wadada marayey oo mooryaanta ay ka qafaasheen ayna ku garaaceen liifka qoriga AK47 iyo ulo ay gacanta ku heysteen.

Mooryaanta ayaa dadka ku qasbayey in ay xaafadahooda ku laabtaan oo suuqa ay tagi karin sida ay inoo xaqiijiyey qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada u geysteen oo diiday in magacyadooda aan xigano islamarkaana xaafadahooda kusoo laabtay.

Waxay inoo sheegeen in Mooryaanta ay diidanyihiin dhaq dhaqaaqa magaalada iyo inay soo laabtaan adeegyadii bulshada oo uu amar ku bixiyey maamulka in dib loo furo.

Maalintii shalay ayey aheyd markii ganacsate lagu garaacay Suuqa Magaalada Marka weliba loo sheegay inuu u dacwoodo maamulka Saldhiga ku mooreysan hadiiba wax uu ka qaban doono.

Shacabka oo aan weli ku dhiiran karin suuqa oo ay joogaan Mooryaanta habar gidir ayaa Maamulka dhowr jeer wuxuu ugu baaqay in la furo goobaha ganacsiga iyo goobaha waxbarasahada waxaana haatan muuqata awood ka duwan tan maamulka oo ay lasoo baxeen Mooryaanta.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE