Shabaab Oo Xalay Weeraro ku ekeeyey Fariisiminyaal Ciidan Oo ku yaala Muqdisho

Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab ayaa xalay weeraro qorsheysan ku qaaday fariisimayaal ay ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan Amisom iyo kuwa Dowlada oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa marka hore weerarka waxa ay ku qaadeen isgoyska Towfiiq ee oo ay fariisin ku lahaayeen Ciidamada dowlada, dagaal waqti qaatay ka dib ayaa dagaalyahaanada shabaab waxay dib uga gorteen halkii weerarka ay kusoo qaadeen.

Waxaa sidoo kale xigay weerar kale oo isna ay shabaab ku qaadeen warsahada Baastada oo ku taala wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho, ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ee halkaasi lagu weeraray ayaa gurmad ka helay ciidamo kale oo dowlada ka tirsan waxaana ay ku guuleysteen in ay dib isaga riixaan dagaalyahaanada shabaab ee wararka soo qaaday.

Weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay labada weerar ee dagaalyahaanada shabaab ay ku qaadeen fariisimayaasha ciidan ee ku yaala Muqdisho.

Dagaalyahaanada shabaab ayaa sii wada weerarada ay ku qaadayaan gobaha kala duwan ee ay ku suganyihiin Ciidamada dowlada iyo kuwa amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE