Suldaan Ibraahin Cali Xaaji Oo u Taagan qabashada Xilka Madaxweyne Ku Xigeen Ee Maamulka Koonfur galbeed

Suldaan Ibaraahin Cali Caaji oo aad moodo inuu kasii quusanayo xilka uu iskau magacaabay ayaa isu soo taagay qabashada xilka Madaxweyne ku xigeen ee Maamulka Koonfur galbeed.

Marka ay soo dhameystirmaan dhismaha maamulka Koonfur galbeed ayaa la sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uu ku dhawaaqi doono laba Madaxweyne ku xigeen.

Xilkan ayaa waxa horey u taagnaa qabashadiisa Maxamed Xasan Fiqi oo hada wasiir ka ah Maamulka Koonfur galbeed.

Beelaha Hawiye gaar ahaan Beesha Indha cade ayaa raja ka qabtay inay taabsato Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Maamulka hase ahaatee sida muuqata waa ay ka raja dhigeen ka dib markii ay ku jabeen dagaalada shabeelada hoose ayna waayeen dhul badan oo ay ku gor gortami lahaayeen.

Beesha Habar gidir ayaa u aragta Ibraahin shakhsi ay meesha geysan karaan oo u fulin kara danahooda iyo waxa ay ku jirto maslaxadooda.

Dhawaan ayaa Suldaan Ibraahin Muqdisho shir ugu qabtay dhalanyaro kasoo jeeda Shabeelada hoose waxa uu ka codsaday in ay ku taageeraan xilka uu doonayo in uu qabto, dhalanyarada ayaa sidoo kale wuxuu u raaciyey in kalsooni buuxda uu ka heysto Odayaasha qab qablayaal kasoo jeeda habar gidir Shariifna aanu diidi Karin magacaabistiisa.

Dhalanyarada ayaa u sheegay inay taageerayaan hadiiba uu la yimaado isbedel dhab ah oo lagu aamini karo.

Horey ayaa loo saadaaliyey in jalaafo aheyd magacaabida Wasiirada koonfur galbeed ee Shafiif Xasan iyadoo meesha ay ka maqanyihiin madaxweyne ku xigeenada.

Ibraahin Cali Xaaji ayaa dadka yaqaana siyaasasiisa waxa lagu tiriyaa nin gal gal badan islamarkaana ku dheereeya siyaasadaha qabow ee lagula dagaalamo skhakhsiyaadka la jalaafeenayo.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE